Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay inay xiriirkii diblomaasi ee ay la lahayd dalka Qatar si weyn hoos ugu dhigtay.
War ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay dowladda Jabuuti u qaaday iyadoo taageero loogu muujinayo waxa loogu yeeray Isbaheysiga caalamiga ah ee looga horjeedo argagixisada iyo qalalaasaheeda ee Khaliijka iyo dalalka Carabta.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xiriir wanaagsan oo dhex mara walaalaheed carbeed, waxayna dhammaan dhinacyada ugu baaqday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka jira.