Sunday, July 13, 2025

Dowladda Jabuuti oo War kasoo saartay xiriirka Dibloomaasi ee dalalka Somaliya iyo Kenya

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo dhoweeyay soo celinta xiriirka diblomaasi ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka oo qoraal kooban soo saaray, kadib markii dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah Kenya uga baaqday inay dib u furato Safaaradeedii Soomaaliya, kadib markii ay dowladda Kenya fasaxday duulimaadyada isaga goosha labada dal ayaa tallaabadan ku tilmaamay horumar weyn oo laga gaaray nabada iyo xasiloonida.

“Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Walaalaha ah ee Kenya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Maxamud Cali Yuusuf wuxuu sheegay in arrinan ay tahay horumar weyn oo ka dhacay dalalka Gobolka IGAD oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo xasilloonida.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore Jabuuti ugu eedeysay inay u xaglineyso Kenya, waxaana xumaaday xiriirka labada dal, iyadoo Kenya iyo Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON