Monday, June 23, 2025

Dowladda Kenya oo baadi goobeysa shan qof oo Kenyaati ah kana tirsan Alshaab

Dowladda Kenya ayaa baafineysa shan qof oo dalkaasi u dhashay oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay xiriir ay la leeyihiin Alshabaab. Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay sawirrada shantaan ruux oo mid ka mida ay haweeney tahay, waxaana la sheegay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira Kenya.

Shan_Kenyan

Shantan qof ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin xeryaha Al-shabaab ku leedahay meelo u dhow xuduudka Soomaaliya, balse sirdoonka Kenya ayaa sheegay in shantan ruux ay qorsheynayaan inay u soo taallaabaan gudaha dalka Kenya si ay weeraro argagixiso uga fuliyaan.

Ad

Shamim Wanjiru Hussein oo ah ruuxa haweeneyda ah ee shantan qof ka mida ayaa wargeyska Daily Nation uu sheegay in loo tababaray inay fuliso weerarrada is-miidaaminta. “Inkastoo aan la ogeyn xilliga ay weerarradan dhacaan, haddana ay dhici karto in Shamim ay u timaaddo qoyskeeda iyo saaxiibbadeed oo ku nool Nairobi, sidaa awgeedna waxaan shacabka weydiisanaynaa inay lasoo socodsiiyaan booliiska in ay lasoo socodsiiyaan mac-luumaad walba oo ku sabsan Shamim, si aan uga hor-tagno weerarrada Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha ammaanka dalka Kenya.

Shanta qof ee Kenya baadigoobeyso ayaa kala ah:

  1. Omar Patroba Juma
  2. Anwar Yogan Mwok
  3. Ramadhan Kioko
  4. Omar Owiti
  5. Shamim Wanjiru Hussein

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON