Monday, June 23, 2025

Dowladda Kenya oo Dacwad ka dhan ah Somalia u gudbisey Midowga Afrika & Q/Midoobay.. [Olole Diblomaasiyadeed]

Dowladda Kenya oo sii wada ololaheeda diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo kale oo ay Soomaaliya ku dacweyneyso Midowga Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa dacwad ka dhan ah Somalia gaarsiisay Midowga Afrika, dacwadaasi oo ku saabsan Sheegashada Kenya ee Badda Soomaaliya, waxayna warbaahinta Kenya sheegtay in dacwada sidoo kale lagu wargeliyay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay inay arrinta kala dhaxeysa Somalia la wadaageen Dalalka xubinta ka ah Golaha Amniga ee Qaramadda Midoobay iyo Midowga Africa, si ay arrinta ula socdaan wixii tallaabo ahna ka qaadaan.

Waxay kaloo Kenya mowqifkeeda la wadaagtay Safiiradda Dalalka reer Galbeedka u jooga dalka Kenya, sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Sweden. Monica Juma ayaa sheegtay Wasaaradeedu olole ugu jirto difaaca danaha dalka Kenya, ayna dooneyso in wadahadal lagu dhammeeyo Muranka Badda ee u dhexeeya dalalka deriska ah ee Somalia iyo Kenya.

“Fariinta aanu dalalka caalamka ka helnay waxaa ay dhiiri galineeysa in arrinta si saxiibtinimo loo xaliyo waana sida aan dooneeyno” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Monica Juma.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON