Monday, June 23, 2025

Dowladda Kenya oo Digniin ku saabsan Dagaalka Beled-xaawo u dirtay Midowga Afrika (Akhriso)

Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay dagaal ay sheegtay inuu kasoo cusboonaaday degmada Buulo-xawo ee Soomaaliya iyadoo ka digtay inuu uga sii darto xaaladda Bani-aadamnimo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo ogeysiin ahaan loogu diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, ay dowladda Kenya ku caddeysay inay si weyn uga welwelsan tahay dagaalka mar kale ka dhacay magaalada Xuduudka ku taalla ee Bula-hawa waqooyiga Gedo oo kaliya dhowr kiilomitir u jirta xuduudka Kenya.

Kenya waxay qoraalkeeda ku sheegtay in dagaallada ay halkaasi ka dhacayeen ilaa bilowgiii sanadkii 2020-ka, ayna u muuqato inuu dagaalku ka dhaxeeyo ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ka horjeeda ciidamada maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Ad

“Welwelka ugu weyn ee Kenya waa in dagaalka soo cusboobaaday uu keeno barakac baahsan oo gudaha Soomaaliya ka dhacda, taasoo keentay in qaxooti badan ay Kenya soo galaan.. ayna uga sii daraan xaaladda bani’aadamnimo ee markii horeba cusleyd, kana jirtay Soomaaliya iyo xeryaha qaxootiga Kenya” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada Arrimaha dibadda ee dowladda Kenya.

Waxay Sidoo kale Kenya sheegay inay dagaalka Beledxaawo haddii uu sii socdo uu keeni karo nabadgelyo darro ka dhacda Gobolka oo xaaladda Amniga uga sii darta, taasina ay meesha ka saarto horumarkii laga gaaray dagaalka argagixisada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON