Monday, July 7, 2025

XOG: Madaafiic ku dhacday Mandhera iyo Ciidamada Kenya oo qaaday dhaawaca saraakiishii Jubbaland

Wararka laga helayo magaalada Mandhera ee dalka Kenya oo kaabiga ku heysa Beledxaawo ayaa sheegaya inay madaafiic ku dhaceen guryo ku yaalla magaaladaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr qor.

Saraakiisha Amniga ayaa Kenya sheegay inay ciidamadooda heegan ku jireen, haddiiba ay dhacdo in dagaalka uu kusoo faafo gudaha Kenya, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan laba Guri uu dab ka kacay, kadib markii ay ku habsadeen madaafiic ka yimid dhinac Beledxaawo.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in 12 qof oo 9 ka mida ay Kenyaan yihiin ay ku dhawacmeen rasaas iyo madaafiic ka timid dhinaca Beledxaawo ee Soomaaliya oo dagaal ku dhex marayay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa taageersan maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Ciidamada Milateriga Kenya ayaa la sheegay inay caawinayeen ciidamada C/rashadii Janan ee dagaalka ku qaaday Beledxaawo, waxayna dhaawaca ciidamada Jubbaland geeyeen Mandera County Referral Hospital. 3 ka mida dhaawacyada Ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay inay saraakiil ahaayeen.

Waxay kaloo warbaahinta Kenya qortay in ciidamada Kenya ay ilaalo ka hayaan saraakiil iyo madax ka tirsan Jubbaland oo degan guryaha dowladda Kenya leedahay iyo xarumo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON