Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa kasoo jawaabtay qoraalkii Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya ee lagu caadiyeeyay xiriirka labada dal, looguna baaqay Kenya inay dib u furato safaaradeedii Soomaaliya.
Qoraal maanta kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu soo dhoweeyay baaqii dowladda Soomaaliya ee soo celinta xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Kenya sheegtay inay guda geli doonto sidii dib ugu furi lahayd safaaradeeda magaalada Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan.
“Dowladda Kenya waxay ku casuumeysaa safiirka Soomaaliya (Maxamud Axned Nuur T-arsan) ee Kenya inuu dib ugu soo laabto dalka, si uu howshiisii u anba qaado..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya.
Dowladda Kenya ayaa dib u furtay diyaaradihii isaga gooshi jiray Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay xayiraad saartay muddo bil ka badan, waxaana hadda rajo badan laga qabaa inuu xiriirka labada dal kusoo laabto heerkiisii caadiga ahaa.

