Sunday, June 22, 2025

Dowladda Masar oo si Qarsoodi ah u aastay Mohamed Mursi & Janaaso oo looga tukanayo Dalal badan..

Dowladda Masar ayaa si qarsoodi ah oo degdeg u aastay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo shalay geeriyooday xilli ay uu ku sugnaa Maxkamad lagu qaadayey magaalada Qaahira.

Maxamed Mursi ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loogu doortay ee dalka Masar, waxaana aaskiisa ka qeyb galay qaar ka mida qoyskiisa iyo saraakiisha dowladda Masar, iyadoo dowladda Masar ay diiday codsiga Qoyskiisa oo ah in lagu aaso qabuuraha reerkiisa, balse aroortii saaka lagu aasay Qabuuraha Dara, magaalada Nasar ee Bariga Qaahira.

Waxaa aaskiisa ka qeyb galay xaaskiisa, wiilka isagana xiran, caruurtiisa iyo qareennadiisa, waxaana aaskiisu qaatay muddo saacad ah, markii lagu dhaqay, laguna tukaday masjidka Xabsiga Dara ee degaanka Leema magaalada Qaahira.

Ad

Morsi oo xukunka laga afgambiyey 2013 kadib sanad uu hayey, kadibna lagu soo oogay dacwado la xiriira jaajuusnimo, ayaa lagu aasay xabaale ku yaalla xaafadda Madinat Nasri ee bariga magaalada Qaahira, sida uu sheegay mid ka mid ah qareenadiisa.

Sida degdegta iyo qarsoodiga aha ee loo aasay ayaa abuuray shaki kale oo ku saabsan sababta uu u geeriyooday iyadoo aan baaritaan iyo faahfaahin laga bixin wixii sababay geeridiisa oo dowladda Masar lagu eedeynayo.

Dalka Turkiga ayaa guud ahaan looga dhawaaqay in salaad janaaso oo loo tukanayo Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi, waxaana salaad la mida laga tukaday magaalada barakeysa ee Qudus. Sidoo kale muslimiinta dunida ayaa qabanqaabinaya salaad janaaso qof maqan ah oo loo tukanayo looguna duceynayo marxuum Maxamed Mursi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON