Dowladda Qatar ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay deeqa lacageed oo gaaraya $500 milyan ku bixineyso dib u dhiska Marinka Gaza ee rer Falastiin, kadib duqeymo ay Israel ku burburisay dagaalki 11-ka maalmood socday.
“Dowladda Qatar waxay ku dhawaaqeysaa $500 milyan oo ah taageero dib loogu dhisayo Gaza,” waxaa sidaas soo tweet gareeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani. Dowladda Qatar ayaa xiriir fiican la leh Kooxda Xamas ee maamusha Marinka Gaza.
Lacagtan ayaa looga dan leeyahay inay caawiso dadka ku nool marinka Gaza ee wajahaya caqabadaha ka dhashay weerardii Israel ee dhowaa, ayna kaalin ka gaysato dib u dhiska goobaha adeegyada ee Gaza…taasi oo ay sii dheer tahay guryihii la burburiyey, waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka rasmiga ah ee Qatar ee QNA.
Duqeymaha Israel ee Gaza ayaa billowday 10-kii May kadib rabshado ka dhacay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Weerarada duqeynta ah ee Yuhuuda Marinka Gaza ku dilay 254 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 66 caruur ah, waxayna dhaawaceen in ka badan 1,900 oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza.
Dhinaca kale, gantaallo ay Xamas ku garaacday Israel ayaa galaaftay nolosha 12 qof oo ku noolaa Israel, oo uu ku jiro qof Hindi ah iyo Laba qof oo kasoo jeeday Thailand oo shaqo u joogay, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka. Qiyaastii 357 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.
