Wednesday, July 2, 2025

Mareykanka oo Dalab iyo Ballanqaad kasoo saaray Heshiiskii labaad ee Doorasahada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa War kasoo saartay Xaaladda Soomaaliya iyio heshiiskii labaad ee Doorashada oo ay Muqdisho ku saxiixeen madaxda Soomaalida.

Qoraal kasoo baxay afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Mareykanka soo dhaweynayo heshiiskii 27-kii May ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya si loogu sii ambaqaado doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyadoo lagu saleynayo qaab-dhismeedka September 17, 2020.

“Waxaan bogaadineynaa dadaalka Ra’iisal wasaare Rooble, waxaana ugu baaqeynaa hogaamiyaasha Soomaaliya inay wii wadaan wadashaqeynta iyo isu tanaasulka la muujiyey intii lagu jiray wadaxaajoodka todobaadkan” ayaa lagu yiri qoraalka Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada wuxuu Mareykanku ka dalbaday inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan fulinta heshiiska, si nabad ah, loo dhan yahay, iyo hannaan doorasho oo hufan, kuna meel mariyaan sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtogalka, taasoo muhiim u tahay Soomaaliya inay ku sii socoto waddadda nabadda iyo barwaaqada.

Mareykanku wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya iyo howsha Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON