Saturday, June 28, 2025

Dowladda Qatar oo Diyaarado Dagaal ka iibsatay Mareykanka, Maraakiib Dagaal oo Mareykanku u diray

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay heshiis uu diyaarado dagaal uga iibinayo dalka Qatar, arrintan oo ku soo beegantay iyadoo xiisad diblomaasiyadeed ka taagan tahay Khaliijka.

Heshiiska Mareykanka ku dhawaaqay ayaa waxaa ku cad in 36 diyaaradood oo nooca F-15 laga iibinayo Qatar, iyadoo qiimahoodu ku kacayo 12 Bilyan oo Doolar.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu dalka Qatar siinayo awood, isla markaana sii xoojnayo iskaashiga labada dal ee Mareykanka iyo Qatar.

Dhinaca kale laba markab oo kuwa dagaalka ah ayuu Mareykanku u diray Qatar, iyagoo dhoolatus milateri la sameynaya ciidamada dalka Qatar, waxayna arrimahan oo dhami imaanayaan iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku eedeeyay Qatar inay taageerto argagixisada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON