Dowladda Qatar ayaa ka hadashay go’aankii kasoo baxay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ee ku saabsanaa xujeyda dalka Qatar.
Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-thani ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan tallaabada Sacuudiga qaaday ee xujeyda dalkiisa loogu furayo xuduudka ay wadaagaan labada dal.
Isagoo ka hadlayay dalka Sweden oo uu socdaal ku marayo ayuu sheegay in markii horeba ay habooneyd inuusan Sacuudiga siyaasadeyn arrimaha xajka, wuxuuna caddeeyay inaysan caddeyn wax faahfaahin ahna aysan ka heysan qaabka loo suuragelinayo arrinta xujeyda Qatar.
Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar ayaa ku dooday inay muhiim tahay in labada dhinac ay iska kaashadaan sidii xujeyda ay si nabadgelyo ah cibaadada u gudan lahaayeen.