Monday, June 23, 2025

Dowladda Qatar oo Qalab caafimaad ugu Deeqday Dalalka Rwanda, Tunisia, Iran, Algeria & Dalal kale… (Sawirro)

Dowladda Qatar oo sii wada deeqda qalabka caafimaad ee ay siineyso dalalka caalamka si loogula tacaalayo cudurka Covid-19 ayaa shixnado cusub gaarsiiyay dhowr dal.

Dalalkii ugu danbeeyay ee Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad Al-thani uu deeqda Qalabka caafimaad u diray ayaa kala ah: Rwanda, Tunisia, Iran, Nepal iyo Algeria, waxaana dalalkaasi gaaray diyaarado xamuul oo sida qalabkaasi caafimaad.

Dalka Rwanda waxaa maanta la gaarsiiyey 15 Tan oo qalab caafimaad ah oo ay ka mid yihiin qalabka PPE ay xirtaan dhaqaatiirka iyo qalab caafimaad oo kala duwan, waxaana loo mariyey Sanduuqa Horumarinta Qatar.

Dhinaca kale dalalka Algeria iyo Tunisa ayaa la gaarsiiyey Deeqda ka timid dalka Qatar, iyadoo Iiraan markii saddexaad ay Dowladda Qatar u dirtay deeq qalab caafimaad ah oo dhan 16 tan; halka dalka Nepal sidoo kale la gaarsiiyey deeqda ka timid Amiirka Qatar.

Amiirka Qatar ayaa hore deeq caafimaad ugu diray inta badan dalalka Yurub, maamulka Falastiin, Lubnaan, iyo dalalka Carabta ee kale.

Dowladda Soomaaliya oo saaxiib dhow la ah ayaan weli taageero caafimaad ka helin dowladda Qatar, waxayna wararku sheegayaan in codsi hore loogu diray dalkaasi si dhinaca cudurka Covid-19 uga saacido Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON