Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Qatar oo raadineysa inay xubin buuxda ka noqoto Gaashaanbuurta NATO

Dowladda yar ee Khaliijka Carabta ku taalla ee Qatar ayaa raadineysa inay ka mid noqoto Isbaheysiga Dalalka Gaashaanbuurta NATO.

Ra’iisal wasaare ku xigeenak ahna wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Qatar Dr. Khalid Bin Mohamed Al Caddiyah ayaa sheegay inay Qatar dooneyso xubin buuxda oo ay ka noqoto Gaashaanbuurta NATO, iyadoo uu sii kordhayo iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Wuxuu sheegay in Qatar ay ka mid noqotay dalalka ugu muhiimsan Gobolka bariga dexe iyo dunida ayna leedahay ciidamo xirfad leh, iyadoo uu sii kordhayo xriirka u dhaxeeya Gaashaanbuurta NATO  iyo Qatar, taasina ay keeneyso inay xarun u noqoto ciidamada NATO ayna martigeliso xarumaha NATO.

“Arrinta xubinimada, waxaan nahay dalka ugu weyn ee NATO aan ku jiro  balse la leh iskaashi. rabitaankeena ah inaan xubin buuxda noqono, haddii xiriirkeenu sii hormaro waa mid aanu dooneyno..” ayuu yiri wasiiru dowlaha difaaca dalka Qatar Dr. Khalid Bin Mohamed Al Caddiyah.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu sanad jirsaday khilaafka dalka Qatar kala dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON