Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Maxammed bin C/raxman Al Thani ayaa sheegay inay dalkiisu ka guuleysatay go’doominta ay dalkiisa ku soo rogeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay wehliyaan Baxreyn iyo Masar.
Wasiirka ayaa wareysiyo kala duwan oo uu siieyy warbaahinta caalamka ku sheegay indalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar oo xayiraad dhanka dhulka cirka iyo badda ah ku soo rogay Qatar ay ku qasaareen, wuxuuna ugu baaqay inay ka tanaasulaan caddowtinimada oo ay dib isugu laabtaan.
Eedeyntan ay ayay dalalkan u jeedioyeen Dalka Qatar oo ah inay taageerto argagixisada ayuu wasiirka arrimaha dibadda Qadar ku tilmaamay mid been abuur ah oo ay u waayeen wax cadddeyn ah.
Mr Al Thani ayaa sheegay in Qadar ay diyaar u tahay wadaxaajood taasi oo uu sheegay in ay tahay qaabka kali ah ee lagu xalin karo khilaafka khaliijka. Waxa uu intaa ku daray in khilaafka hadda jira aysan cidna ku guulaysanayn.
Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sheegay in shirkadooda ay sanadkii labaad wajahayso khasaaro ka soo gaara xayiraada lagu soo rogay Qadar.