Dowladda Qatar ayaa shaacisay in qarixii Muqdisho ka dhacay shalay 14-ka Oktoobar ay waxyeello kasoo gaartay dhismaha Safaaradeeda, isla markaana uu ku dhaawacmay Arrime-fuliyaha u fadhiya Soomaaliya.
Wakaalada Wararka dalka Qatar ayaa kasoo xigatay Madaxa xafiiska warfaafinta wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar Axmed Saciid Ar-rumeyxi in dhismaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho ay waxyeello ba’an kasoo gaaray qarixii ka dhacay isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho oo safaaradda ay ku dhoweyd.
Wuxuu intaas ku daray in arrime-fuliyaha dowladda Qatar u jooga Soomaaliya uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, xaaladiisuna ay aad u wanaagsan tahay.
Warka ayaa intaas ku daraya in dhammaan shaqaalaha iyo madaxda safaaradda Qatar ee Soomaaliya ay xaaladooda wanaagsan tahay, isla markaana sidii xaaladooda loola socon lahaa ay dowladda Qatar la xiriirtay dowladda Soomaaliya si ammaanka diblomaasiyiinta Qatar loo adkeeyo.