Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u jooga Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, iyadoo dowladda Qatar ay ballanqaaday inay taageereyso Booliska Soomaaliya.
Labad dhinac ee Taliyaha Ciidamada Booliska iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay siddii Dawladda Qatar ay uga qeyb qaadan laheyd Tababarka, dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dib u dayactirka qaar kamid ah Xarumaha Booliska ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.
Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa sheegay in Dawladdiisa ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato Horumarka dalka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska.
Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga mahad celiyey Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey, isagoo sheegay inay dowladda Qatar garab ku siineyso dadaalka aan ugu jirno dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhanka tababarada iyo qalabka