Tuesday, July 8, 2025

Dowladda Qatar oo xayiraad Ganacsi ku soo rogtay dalalkii go’doomiyey ee Isbaheysiga Sacuudiga iyo UAE

Dowladda Qatar ayaa soo saartay Amar ay ku mamnuucday in dalkeeda loo iib geeyo badeecadaha ay soo saaraan dalalkii go’doomiyey ee Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.

Amarkan ayaa afartaas dal ka mamnuucaya inay wax xiriir ganacsi ah la yeeshaan dalka Qatar, iyadoo aay suuqyada iyo dukaamada waawayn ee dalkaasi, waxaana olole lagu qaaday badeecadaha dalalkaasi ee hadda yaalla gudaha dalka Qatar.

Wasaaradda Dhaqaalaha dalka Qatar ayaa amar ku bixisay in badeecadaha in la mamnuucay ka ganacsiga iyo keenista badeexadaha afarta dal oo sanad ka hor xiriirka u jaray dalka yar ee Qatar oo ah dal qani ah oo xiriirkiisa ganacsi u wareejiyay dalalka Turkiga iyo Iiraan.

Khilaafka dalka Qatar kala dhaxeeya afarta dal ee go’doomiyey Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa salka ku haya khilaaf dhinaca siyaasadda ah iyo doorka dalka Qatar ka ciyaarayo arrimaha caalamka, waxayna ku eedeeyeen inay Qatar taageerto kooxaha argagixisada ah, ayna xiriir dhow la leedahay dalka Iran.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON