Friday, June 27, 2025

Dowladda Ruushka oo ku dhawaaqday inay degdeg Turkiga u siinayso Gantaalaha Casriga ah ee S-400 [Warbixin]

Ruushka ayaa shaaca ka qaaday inuu si degdeg bilaabayo sanadka cusub 2019-ka inuu Gantaalaha S-400 ee casiga ah ku wareejiyo Turkiga, kadib heshiiskii labada dal ku kala iibsadeen gantaalahaasi oo dhacay sanadkii hore 2017.

Ruushka iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis uu Ruushka ku siinayo Turkiga Nidaamka Gantaalaha S-400 oo ah kan ugu casrisan hubka Ruushku sameeyo, ahna nidaam isku xiran oo Raadaaro iyo Gantaallo ka kooban, waxaana go’aanka Ruushku ku dedejinayo sanad ka hor xilligii Gantaalahaasi la siin lahaa Turkiga ay imaaneysaa iyadoo uu sii xumaaday xiriirka Turkiga iyo Mareykanka.

Turkiga ayaa bixiyay lacag hormaris ah oo dhan 2.5 bilyan oo doolar, iyadoo hadda ay muuqato in la soo hor mariyey waqtigii Turkigu heli lahayd Gantaalahaasi. Turkiga ayaa leh ciidammada labaad ee ugu badan ee Gaashaanbuurta Nato, iyadoo arrintan uu si weyn uga horjeedo Mareykanka.

Turkiga ayaa ku sii dhowaanaya  Ruushka wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday calaaqaadkii ay la lahaayeen Maraykanka. Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya, waxaana hadda ka dhex oogan dagaal dhaqaale, iyadoo xiriirkoodu marayo halkii ugu xumaa.

Gantaalaha casriga ah ee Ruushku sameeyo  S-400 ayaa gaari kara masaafe 400km wuxuuna isku mar duqeyn karaa 80 bartilmaameed.

Ruushka ayaa S-400 ku rakibay saldhigiisa ciidamma cirka ee ku yaala meel u dhaw magaalada Latakia ee dalka Suuriya bishii Disembar ee 2015kii, ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Turkigu ay soo rideen diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo nooceedu ahaa Su-24, taas oo maraysay xadka Suuriya iyo Turkiga.

Arrintaas ayaa horseeday muran dublamaasi oo dhex maray Ruushka iyo Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa meesha ka saaray madmadawgii soo kala dhex galay madaxweyne Vladimir Putin, waxayna labada dal noqdeen saaxiibo.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON