Dowladda Sacuudiga ayaa xayiraad duulimaad ku soo rogtay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, taasoo sabab looga dhigay cudurka Covid-19 oo mar kale xoogeystay.
Go’aanka Sacuudiga ayaa laga mamnuucay dadka ka imaanaya 16 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay inay u safraan illaa amar dambe, sida lagu shaaciyey warkan oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.
16 dal ayuu Sucuudiga dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan dalkeeda, kadib markii kiiska cudurka COVID-19 oo mar kale sare uga sii kacaya gudaha dalka Sucuudiga.
Soomaaliya iyo 15-ka dal ee laga mamnuucay inay duulimaadyadooda tagaan Sacuudiga ayaa kala ah:
1- India
2- Congo DR
3- Libya
4- Indonesia
5- Lebanon
6- Syria
7- Turkey
8- Iran
9-Afghanistan
10- Yemen
11- Ethiopia
12- Vietnam
13- Armenia
14- Venezuela
15 – Belarus.