Dowladda Shiinaha ayaa beenisay warbixin lagu baahiyey wargeyska Le Monde ee kasoo baxa dalka Fransiiska oo aheyd in Shiinaha uu howlo basaasnimo ah ka wado dhismaha ururka midowga Afrika ee ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Dhismahan oo ka kooban 20 dabaq ayuu haddiyad ahaan Shiinuhu ugu deeqay Afrika, waxaana dhismahan la dhameeyey sannadkii 2012-ka, iyadoo ay ku baxay lacag dhan laba boqol milyan oo doolar, waxaana hadda soo baxay warar ku saabsan in qalabka ku xiran xarunta ay la shaqeeyaan xarun ku taalla Shangahai oo halkaas lagala socdo sirta Afrika.
Sida uu kusoo warramay wargeyska Le Monde, shaqaalaha xarrunta midowga Yurub waxaa ay ogadeen in maclumaadka xarruntani lala baxay saqda dhexe, loona wareejiyay qalab yaalo magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, taaso ka dhigan baa la yiri in Shiinuhu uu si toos ah u helo maclumaadka sirta ee midowga Afrika.
Safiirka Shiinaha ee midowga Afrika ayaa warbixinta ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.