Thursday, June 26, 2025

Dowladda Somalia: 112 Markab oo Iiraan leedahay ayaa sharci darro uga kalluumeysta Baddaha Somalia

Doowlada Soomaaliya ayaa sheegtay maraakiib gaaryesa 112 oo laga leeyahay Iran oo si sharci darro ah uga kalluumeysta Baddaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudadii u dhaxeysay Janaayo 2019-14-04-2020 la ogaaday in 112 oo maraakiib ah  ay si sharci darro ah uga kalluumeysteen badda Soomaaliya, iyadoo lagu faahfaahiyey dhaqdhaqaaqa maraakiibtaasi iyo inay si toos ah ugu xiran yihiin dekadaha dalka Iiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaan loo dulqaadan karin kalluumeysiga sharci darrada ah ee Maraakiibta Iiraan ka wadaan Biyaha Soomaaliya, ayna tahay arrin muddo dheer welwel ku heysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON