Monday, June 23, 2025

Dowladda Somalia Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ka reebtay Dacwad ay ka gudbisay Heshiiska Dekadda Berbera [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ka reebtay dowladaha ku lugta leh ee Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Qoraal ay ku saxiixan tahay safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa lagu xusay in heshiiska shirkadda DP World ee dekadda Berbera uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Soomaalida, heshiiskaasina sharci darro yahay si loogu daro qodobadda looga hadlayo shirka Qaahira ee wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta.

Qoraalka safaaradda oo loo diray xogheynta Guddiga Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay oo kaliya Shirkadda DP World iyadoo aan haba yaraatee lagu soo qaadin dhincyada heshiiska qeybta ka ah ee Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in la iska dhowray labadaas dal in la magacaabo.

Shirkadda DP World ayaa ah shirkad ay leedahay xukuumadda Dubai ee Imaaraadka Carabta, waxaana go’aanada ay qaadato ay yihiin kuwo ay qeyb ka tahay dowladda Imaaraadka Carabta.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Dowladda Soomaaliya oo Dacwad ku saabsan Heshiiskii Dekadda Berbera u gudbiyay Jaamacadda Carabta [Akhriso Qoraal]

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON