Dowladda Soomaaliya ayaa Saqdii Dhexe ee caawa ku dhawaaqday inay Berri oo Sabti ah ay tahay Ciid, iyadoo ka noqotay warkii hore oo ahaa in Berri aysan Ciid ahayn oo la dhammeystirayo Ramadaanka.
Warbaahinta Dowladda ayaa shaacisay warkan cusub oo ku saabsan inay Berri tahay Ciid, iyadoo ay ka hadleen culimada iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed Xasan wuxuuna wasiirku sheegay inuu hore u sheegay inaan Bisha la arkin, balse akhbaar cusub ay heleen, iyadoo la raadinayey Bisha Shawaal, ayna arkeen ilaa 8 qof.
Wasiirka ayaa sheegay in meelaha laga arkay ay ka mid tahay Zona K, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, Qoryoley iyo degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo ay ka arkeen: Maxamed Axmed Gaabow Isaaq Cali Isaaq, Aadan Macalin Mayow, sidoo kale wuxuu sheegay inay laga arkay meelo kale oo dalka ka mida, waxaana lagu dhawaaqay inay Berri tahay Ciid.
Waxaa TV-ga dowladda uu baahiyey Oday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheekh C/raxiim Sheekh Yuusuf Jimcaale sheegay inuu isagu arkay Bisha Soonfur, isagoo afurayana uu maqlay iyadoo la leeyahay bisha waa dhalatay, iyadoo uu farta ku fiiqay.
Dhinaca kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo culimada magaalada Nairobi ayaa ku dhawaaqay inay Berri Ciid tahay markii Bisha lagu arkay meelo badan oo ka mida dalka Kenya iyo Jubbaland, wuxuuna caddeeyay inay macluumaad cusub heleen kadib go’aankii hore.
Alshabaab ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday inay Berri Ciid tahay, waxaana ku xigay maamulka Jubbaland, iyadoo ugu danbeyn ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay ciid tahay kadib saqdii dhexe ee Caawa
Waxaa kaloo laga ciidayaa Somaliland, Puntland, Soomaalida Kenya qeyb ka mida iyo degaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaana xilli dambe Ciidda ku dhawaaqay Somaliland iyo Puntland.
Madaxda dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa hambalyada Ciida u diray dadka Soomaaliyeed.
