Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo celisay, dayactirna ku wada taallooyinka ugu waaweynaa magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay la saaray taallooyinkii lagu maamusuay halgamayaashii Soomaalida.
Taallooyinka Sayidka, Xaaw Taako, Axmed Gurey, SYL iyo Dhagaxtuur oo ku teedsanaa KM 4 ilaa Isgoyska Tiyaatarka ayaa waxaa ka socda dayactir, iyo dib u habeyn lagu soo celinayo astaamihii saarnaa ee lagu metelay shaqsiyaadkaasi, waxaana farasyadii la saaray taalllooyinka sayidka iyo Axmed Gurey, halka kuwa kale ay shaqo ku socoto.
Ma jiro wax hadal oo kasoo baxay dowladda Somalia iyo maamulka Gobolka banaadir oo ku saabsan cidda howshan wada iyo qarashka ku baxay cidda bixineysa, marka laga reebo muuqaal iidheh ah oo warbaahinta dowladda u sameysan muhiimada taariikheed ee taallooyinkaasi; waxaase dood kulul ka socotaa baraha bulshada oo ku saabsan aragtida laag qabo tallaabadan.
Inkastoo dadkii hore ay si weyn u taageerayaan tallaabadan dib loogu soo celinayo muuqaaladii caasimadda iyo taariikhdii hore, hadda dadka cusub qaarkood ayaa dhinacyo kale ka eegaya iyadoo cabsi laga muujiyey inay taallooyinkaasi hadaf u noqdaan kooxaha argagixisada.


