Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawada ka celisay diyaarad Qaad siday oo ka duushay dalka Kenya, lana filayey inay ka degto magaalad Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Wararka ayaa sheegay inay Diyaaradda la celiyey ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer, iyadoo Qaadka Kenya ka baxa ee Miirowga u siday magaalada Hargeysa, kadib markii Ganacsato kasoo jeeda Somaliland ay kireysteen.
Wasaaradda Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay amarka lagu celiyey, waxaana la filayaa inay war kasoo saarto, iyadoo hore ay dowladda Soomaaliya ruqsadii ugala noqotay diyaarado jebiyey amarkii lagu joojiyey diyaaradha qaadka sida.
Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu yaraaday, kadib rabshadaha ka dhacay dalkaasi.
