Wednesday, July 9, 2025

Dowladda Somalia oo hor istaagtay Shir ay yeelan lahaayeen Odayaasha Beelaha magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay hor istaagtay shir weyne ay magaalada Muqdisho Muqdisho ku yeelan lahaayeen Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.

Shirkan ayaa dadkii qabanqaabinayay sheegeen inay ku wargeliyeen Hay’adaha dowladda Federaalka, balse loo diiday inay shirkaasi qabsadaan, waxaana si cad loogu sheegay inaysan qaban karin shirka oo ka dhici lahaa mid ka mida Hoteellada Magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan lagu casuumay in ka badan 300 qof, wuxuuna ahaa shir dhaqan oo odayaasha dhaqanka uga hadlayaan xaaladda dalka iyo sida xal loogu heli karo, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in odayaasha ay ku adkeysanayaan qabashada shirkooda oo ay sheegeen inuu yahay xuquuq dastuuri ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON