Madaxweyne ku xigeenka waqtigiisu dhammaaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta dib ugu laabtay xaruna Hirshabelle ee magaalada Jowhar.
Cali Guudlaawe oo u sharxan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayna taageersan tahay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Jowhar kusoo dhoweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in la qabanayo Doorashada Hirshabeelle, iyadoo aan xal loo helin tabashada beesha ugu weyn Gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa in maamaha soo socda la guda-galo soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.
Wararka ayaa sheegaya in qorshaha musharaxnimada Cali Guudlaawe ay taageersan yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo heshiis hoose dhex maray, waxaana mas’uuliyiinta la socday Cali Guudlaawe ka mida Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo Yusuuf Axmed Hagar Dabageed.




