Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo magaalada Baydhaba u dirtay ciidamo, gaadiid iyo musharixiin.
Wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan oo magaalada Garowe saxafiyiinta kula hadlay ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in saacadihii lasoo dhaafay Ciidan iyo hub ku daabushay Magaalada Baydhabo.
Wasiirka oo dhinaca kale ah afhayeenka madaxda dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in Diyaarad siday Ciidan ay ka degtay Magaalada Baydhabo, isagoo ku eedeeyay in dowladda Federaalka ay dooneyso inay carqaladeyso doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta.
Dhinaca kale Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyadda ayaa ka hor uyimid warkii shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in Golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.