Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Somalia oo u yeertay Safiirka Kenya ee Muqdisho, Qoraal Culus oo cabasho ahna u dirtay Kenya

Dowladda Somalia ayaa u yeertay Safiirka Kenya Somalia, iyadoo u gacan gelisay qoraal lahjad kulul ku qoran oo ah cabasho ka dhan ah Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya iyo xoghayaha Arrimaha dibadda dalkaasi oo dhowaan faafiyey qoraal ay Somaliland ku tilmaameen Dal.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia u yeertay safiirka dalka Kenya u jooga Muqdisho Lucas Tumbo, iyadoo u gacan gelisay qoraal cabasho ah oo ku saabsan qoraal gef ah oo kasoo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau 27-kii June 2019.

“Waxaan u qaadaneynaa qoraalka twitter-ka inuu ahaa mid meel ka dhac iyo gef ku ah Qaranimada, Midnimada iyo xuduudaha Somalia, dhaawac weyna gaarsiiaya xiriirka labada dal ee Kenya iyo Somalia” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaradda Arrimaha dibadda Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

War Saxaafadeed (Faafin deg deg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
July 01, 2019

Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau.

Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.

AKHRISO QORAALKA DHALIYEY CABASHADA: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo Somaliland ku tilmaantay ‘DAL’ uu xiriir kala dhaxeeyo & Dood ka dhalatay..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON