Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dilkii maanta ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay Marxuumad Almaas Elman Cali Axmed.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya si adag u cambaareyneyso falkii lagu dilay Almaas Elman, waxaana lagu caddeeyay inuu socdo baaritaan adag oo lagu qabanayo ciddii ka danbeysay gabadhan qiimaha ku lahayd dadka Soomaaliyeed.
HOOS KA AKHRISO