Wednesday, July 2, 2025

Dowladda Somaliya oo War kasoo saaray Dhacdo Duqeyn ah oo maalmo ka hor ka dhacday Gaza

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa War saxaafadeed cambaareyn ah kasoo saartay duqeyn 5 maalmood ka hor ka dhacay Gaza oo dhibaato kasoo gaartay xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ku leedahay magaaladaasi.

War-saxaafadeedkan oo si weyn u soo dib dhacay, soona baxay xilli xabbad joojin laga gaaray dagaalkii Gaza ee Israa’iil iyo Xamaas, ayaa laga dhigay mid degdeg oo caawa uun soo baxay, wuxuuna u qornaa sida soo socota:

Muqdisho, Soomaaliya 22 May 2021 Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israaiil ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba, falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha.

Dowladda Qatar oo xiriir gaara la leh dowladd Farmaajo ayaa si joogto ah uga hadasha xaaladda Soomaaliya, laakiin wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya ayaa u muuqata inay arrintan xilli danbe kusoo baraarugtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON