Monday, June 23, 2025

Dowlada Somalia oo War kasoo saartay go’aankii Kenya ku joojisay Diyaaradihii tooska u tegi jiray Nairobi

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyey in dowladda Kenya ay ku wargelisay inay joojisay diyaaradihii tooska ahaa ee Muqdisho ka bixi jiray, isla markaana tegi jiray magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay inaan wax sabab ah loo sheegin, balse aysan noqon karn mid amni, maadaama ayuu yiri Amniga Garoonka uu yahay mid la isku haleyn karo, laakiin ay jiri karaan sababo kale oo Kenya ay arrintan ugu dhaqaaqday; iyadoo ay socdaan wadahadallo arrintan ku saabsan.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay inay wargeliyaan diyaaradaha tegi jiray magaalada Nairobi, ayna baarayaan waxa keenay go’aanka Kenya ayna shaacin doonaan wixii kasoo baxa.

Ad

Dowladha Somalia iyo Kenya ayaa ku heshiiyay Maarso 2017 qodobo ay ka mid ahaayeen in la sahlo isu socodka gaadiidka laabda dhinac oo ay ku jirtay in diyaarada ka duula Muqdisho ay si toos ah uga degaan Nairobi xilli markii hore ay sii mari jirtay Magalada Nairobi.

HOOS KA DHAGEYSO WASIIRKA

Warar Xul ah
SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON