Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasi u jartay dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Guinea.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu shaaciyey go’aanka dowladda Somalia ka qaadatay dalka Guinea, isagoo ku eedeeyay inay ku xadgudubtay Qaranimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed, waxayna arrintan ka danbeysay booqasho uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.
“Waxaan umadda Soomaaliyeed la socodsiineynaa in Laga bilaabo saacaadaan ay dowladda Federaalka ay xiririka u jartay dalka la yiraahdo Jamhuuriyadda Guniea oo ay caasimadiisa tahay Konagry”ayuu yiri Wasiir Cawad oo sheegay inuu farriin u dirayo dalal kale oo xadgudubyo ku haya qaranimada iyo Midnimada Soomaaliyeed.
Dalka Gini ayaa ah dal aad u yar oo aan wax saameyn ah ku lahayn siyaasadda Afrika iyo dunida, mana jirin safiir Somalia u fadhiyey dalkaasi.
HOOS KA DAAWO