Thursday, June 26, 2025

Dowladda Somalia Shirkad Shiinees ah siisay 32 Ruqsad Shatiyo Kaluumeysi ah

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad Shiinees ah oo ruqsad loo siiyey inay ka kaluumeysto Badda Soomalaiya, iyadoo la siiyey Shatiyo kalluumeysi.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Bidhaan Warsame ayaa qalinka duugeysa 28 sano ka dib heshiisyo lagu bixinayo shatiyada Kalluumeysiga ee la siinayo Shirkadda COFA ee dalka Shiinaha oo heleysa 32 Shati.

Lacagta dowladda Soomaliya ka heleyso ruqsadaha Kaluumeysiga ayaa gaareysa Hal milyan oo Doolar, iyadoo ay saxiixeyso Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya.

Heshiiska Wasaaradda kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya la gashay Iskaashatada Shiinaha ee COFA ayaa qoraya inay kalluumeysan karto kalluunka Tuna oo kaliya ah.

Waxaa weli jira khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlad federaalka oo ku saabsan qeybsiga kheyraadka, iyadoo wasiirku sheegay in lacagta lagu helay heshiiska lagu shubi doono Bankiga dhexe oo aan la isticmaali doonin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON