War kasoo baxay caawa Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka jooga dalka Kenya inuu dib ugu soo laabto dalka wadatashi, halka ay fartay safiirka Kenya inuu dib ugu laabto dalkiisa si wadatashi ah.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay inay Kenya faragelin ku heyso si bareer ah arrimaha gudaha Soomaaliya iyadoo cadaadis ku heysa Madaxweynaha Jubbaland si uu u fuliyo qorshaheeda ku aadan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiska Doorashada dalka.
Safiirka Somaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku sugnaa Mudisho oo uu sii joogoi doono hadda, halka Safiirka Kenya ee Muqdisho danjire Lucas Tumbo oo lagu wargaliyay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto aanu joogin Muqdisho ee dalkiisa ku sugan yahay.
Dowladda Kenya ayaa hore u qaaday tallaabo ran oo kale ah, markii Danjire Tarsan ay ku amartay inuuu dlkiisa ku laabto.
HOOS KA DAAWO
