Dowldda Soomaaliya iyo hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa iska kaashaday ku dhowaad 100 dhalihnyaro Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo celiyey dalka Liibiya.
97 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiyo ku taala dalka Libya ayaa saaka Arbaco ah dalkooda kusoo laabtay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin wasiiro xukuumadda ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay ka baxsadeen meelihii ay ku heysteen magafeyaasha Liibiya, iyagoo isku dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.
Qorshaha dib u soo cleinta Waxaa k awada shaqeeyey Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha danjire Maryan Yaasiin oo kaashanaysa hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.



