Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa heshiis ku sabasan isbedelka ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ku kala saxiixday magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
Guddiga farsamada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar, ayaa wadadaxaajood la yeeshay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika AU PSC).
Heshiiska cusub ee Somaliya iyo Midowga Afrika ayaa ah kii labaad oo ay kala saxiixdaan labad adhinac, iyadoo la isku waayey, isbedelka lagu sameynayo AMISOM, markii Soomaaliya ka hor timid in ciidamo UN iyo AMISOM ah lagu bedelo ciidamada AMISOM oo shaqadoodu hadda dhammaaneyso bilo kadib.
Heshiiska oo aan faafhaahin laga bixin ayaa ku saabsan dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, isla markaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni.
