Sunday, June 22, 2025

Dowladda Somaliya miyey ka laabatay go’aankii xeritaanka Xafiiska UNSOM..? (Nuxurka Qoraalka Cusub)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal cusub u dirtay Golaha Amniga Qaramada Midoobay, waxayna mar kale ku celisay sida ay u rabto in loo xiro xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo Guddi loo magacaabo qaabeynta xilliga kala guurka ah

Qoraalka cusub oo ku taariikheysan 9-ka May ayaa 4 maalmood ka danbeeyay qoraalkii hore ee 5-ta May 2024, waxayna Warqad cusub dowladda Soomaaliya mar kale ku celisay codsi ah in la joojiyo waqti u cusbooneysiinta UNSomalia.

Waxaa kaloo qoraalka cusub lagu sheegay inuu jiray wadahadal Khadka Isgaarsiinta ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Xognahayaha guud ee Q/Midoobay Antonio Guterres 29-kii Abriil, kaasoo madaxweynaha ku codsaday in la bilaabo habraaca qorshaynta kala-guurka hawlgal siyaasadeed.

Ad

Qoraalka cusub oo uu qoray Wasiirka Arrimaha dibadda waxay si la luqad jilicsan sidii hore u dhigeynaa qaabka muhiimadda uu leeyahay habraaca loo marayo xilliga kala-guurka iyo magacaabidda koox farsamo oo isku-dhafan si ay u go’aamiyaan qaabka iyo wakhtiga kala-guurka.

Warbaahinta qaar ayaa qoraalka dambe u qaadatay inay dowladda Soomaaliya ka noqotay ama ka laabatay go’aankii xeritaanka Xafiiska UNSOM, balse sida ku cad labada qoraal waxa kaliya ee soo kordhay ayaa ah magacaabid guddi wadajir ah oo ka shaqeeya qaabka loo gabagabeynayo Xafiiska UNSOM.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON