Thursday, June 26, 2025

Dowladda Somaliya oo Agaasime Guud u magacawday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey ayaa loo magacaabay Agaasime Guud oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sida uu shaaciyey Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud C/qaadi Hilaal waxaa Maxamed Xaashi Carrabey loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, xilkaas oo uu hore isaga casilay Shukri Karaar Dhoomey oo ay isku dhaceen Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dambeeyay in xilkan loo magacaabo madaxweynihii hore ee Galmudug oo mar kale ku fashilmay inuu xilkaasi ku soo noqdo, isagoo saaxiib la ahaa Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana kala shaqeeyay dagaalkii siyaasadeed ee ay kula jirtay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON