Wararak laag helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa la geeyay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee magaalada Beledxaawo iyo Mandeera.
Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke taliyeyaasha ciidamada Guutada 12-aad ee qeybta 43-aad ayaa gaaray magaalada Beledxaawo iyagoo ay la socdaan ciidamadan fara badan oo lagu biiriyay ciidamadii hore u joogay xuduudka.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo warar aan la xaqiijin lagu sheegtay in dowladda Kenya ay ku hanjabtay inay ciidamada Kenya ka jawaabi doonaan haddii amni darro kale ka dhacdo xuduudka Soomaaliya.
Taliyaha Bakaaal Kooke oo ciidamada kula hadlay xuduudka ayaa kula dardaardaarmay in ay dardargeliyaan xasilinta amniga xuduud.
