Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Dowladda Kenya inay diyaarineyso Duullaan ay maleeshiyo ay hubeysay kusoo qaadaan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
War-saxaafadeed cusub oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheeay in Dowladda Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.
Qoraalka ayaa looga digay Kenya inay ka fiirsato tallaabooyinka ay ku wiiqeyso nabadgelyada Geeska Afrika, iyadoo caddeysay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay ku difaacyso qaranimadeeda.
Soomaaliya ayaa sii wada inay cirka u shareerto xiisadda kala dhaxeysa dalka Kenya, xilli ay Kenya ka gaabsatay inay jawaab ka bixiso tallaabooyinka ay Soomaliya qaadayso.