Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsna dowladda Federaalka oo kasoo jeeda Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Garowe iyagoo la socay diyaarado kaalmo u siday dadka ku waxyeeloobay Daadadkii ku rogmaday Degmada Qardho.
3 Diyaaradood oo sida qalab isug jira Bacaha Roobka laga galo, Teendhooyin, Maacuun iyo Katiifado ayaa laga dejiyey magaalada Garowe, iyagoo u sii jeeda magaalada Qardhow, waxaana arrintaas ka hadlay xildhbaano iyo wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay inay gurmadkan ugu talo galeen dadka degmada Qardho ayna taageero kale oo ka timaada dowladda Federaalka soo gaari doono Garowe.
Xubnaha ka socda dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay gaaraan degmada Qardho oo dhibaato weyn kasoo gaartay Daadad ku rogmaday.