Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumada Soomaaliya C/Risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidanka Dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan Afar qof oo u dhashay dalka Iiraan oo Burcad Badeed ku heysatay Gobolka Galgaduud meelo kamida.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in soo furashada dadkaasi u dhashay dalka Iiraan dadaal dheer loo galay, isla markaana lagu guuleystay. Afar qof oo bad-maaxiin Iiraan u dhashay ayaa markii laga soo badbaadiyay Cadaado waxaa loo soo duuliyay magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa afartaas qof ee u dhashay Iiraan ku wareejisay Safaaradda Iiraan ee Muqdisho, waxaana la filayaa in loo duuliyo dalkooda.
Goobjooge.com