Sunday, July 13, 2025

Dowladda Somaliya oo War-culus kasoo saartay Dagaalka Beledxaawo. “Jabhad ay Kenya soo hubeysay ayaa usoo..”

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in jabhad fallaago oo dowladda Kenya ay hubeysay inay usoo tallowday xuduudka Soomaaliya ayna weerar ku qaaday degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo.

War-saxaafadeed kasoo baxya wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Cismaan Abuukar Dubbe ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerarka, kadib markii ay jilibka u dhigeen.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA

Muqdisho January 25, 2021, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay.

Waxan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ek u dhisan is xaq dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo. “Faahfaahinta warkaas waa idinla soo wadaagaynaa”.

Cismaan Abokor Dubbe Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadallkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili wali uu khilaaf diblumaasiyadeed oo meel sare gaaray uu dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON