Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada Qaadka keena Muqdisho oo heshiiyay [Warbixin]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray murankii ka dhashay canshuurta  ee dowladda Federaalka iyo Ganacstada Qaadka.

Wadahadallo  u dhaxeeyay labada dhinac ayaa la sheegay in ugu danbeyn lagu soo afjaray khilaafkan oo keenay inay ganacstada u wareegaan garoonka magaalada Jowhar, taasoo khilaaf kale ka dhex oogtay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay ka noqotay lacagtii dheeraadka ahayd e ay dul saartay  canshuurta qaadka, iyadoo Marduufka Qaadka ah lagu canshuurayo 43,000 oo Shilin Somali ah, waxaana meesha laga saaray 10,000 ee shilin Somalia ah ee wasiirka cusub ee Maaliyadda uu dhowaan ku kordhisay canshuurta Qaadka.

Diyaaradaha Qaadka keena Magaalada Muqdisho oo gaaraya in ka badan toban ayaa si toos ah u imaan doona Magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON