Monday, January 17, 2022

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo Is-afgarad ka gaaray xaaladda kala-guurka ee AMISOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddi Midowga Afrika ayaa maanta soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo uga socday magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya wakiil uga ahaa Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha, halka dhinaca Midowga Afrika ay ka socdeen Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas o ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Ad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidammada (TCC) ka joogo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuub siiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Qorshaha Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!