Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Daah furtay Manhajka Mideysan ee Dugsiyada Hoose ee Dalka [Sawirro]

Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Manhajka mideysan ee dugsiyada hoose ee dalka, kadib muddo 27 sano ah ka dib oo dugsiyada dalka ay manaahij kala duwan ku socdeen.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya  ayaa kulan ka dhacay magaalada Muqdisho waxay ku bandhigtay manhajka cusub iyo buugaagta loogu talogalay in lagu qaato dugsiyada hoose ee Fasalada koowaad ilaa afraad.

Waxaa la diyaariyay maadooyinka manhajkan cusub oo lagu qoray afka Soomaaliga, marka laga reebo luuqadaha Carabiga iyo maadada tarbiyadda oo iyada af Carabi lagu baran doono iyo Ingiriis gaar u taagan, waxaan manhajka maalgeliyey Midowga Yurub.

Munaasnaddii  lagu daahfurayay waxaa ka qayb qaatay wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirka ganacsiga Maxamad Cabdi Xayir Maareeye, xildhibaanno, Culimo iyo marti shataf kale.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON