Dowladda Soomaaliya ayaa furtay iibka shatiyada la siinayo shirkadaha baaraya shidaalka Soomaaliya ee la qoondeeyay in lga baaro 15 qeybood oo ah Badda Soomaaliya.
Tartanka lagu xaraashayo 15 Block ee Badweynta India ee ku teedsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa furmay Talaadadii 4-ta Ogost 2020, waxaana la filayaa in shirkadaha ku guuleysatay qandaraasyada qodista shidaalka lagu dhawaaqo horaanta sanadka 2021.
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay Ibraahim Cali Xuseen ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay inay arrinta bixinta qandaraasyada lagu iibinayo shatiyada baarista shidaalka ay soo gabagabeyn doonaan horaanta sanadka 2021, markaas oo shirkadaha la siin doono Qandaraasyada.
Waxaa rajo laga qabaa in 15-ka goobood ee loo qoondeeyay in shidaalka laga baaro uu Badda Soomaaliya ka mida inay ku jiraan ilaa 30 Billion barmiil oo shidaal ah., sida ay muujisay sahankii lagu sameeyay.

Arritan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xaaladda dalka ay kala guur gashay, isla markaana uu is-casilay ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyadoo dood ka taagan tahay qaabka loo magacaabay Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.