Monday, June 23, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Guddi korjoogto ah u dirtay Maxkamadda Cadaaladda Hague

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay xafiiskiisa ku qabtay kulan sagootin ah oo loo diray Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, magaalada Hague ee dalka Holland.

Guddigan ayaa waxaa ka mida xubno sharci-yaqaano iyo diblomasiyiin isugu jira, waxayna si korjoogto ah ula socon doonaan dacwada kiiska badda ee dhex taalla dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan xallay sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona maxkamada caalamiga ah ee cadaalada. Guddigan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda. Waxaan ku kalsoonayahay inaan dacwadaasi ku guulaysan doono inshalaah” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddo dheer soo jiitameysay, waxaana laba dal dacwooyinkooda la dhageysan doonaa laba maalmood oo  isku xiga.

Ad

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON